DAGAAL beeleed aad u culus ka socda gobolka..

Jowhar (Caasimada online)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka dagaalo beeleed ay dib kaga qarxeen duleedka degmada Warsheikh ee gobolka Sh.Dhexe.

Dagaalka oo u dhaxeeyo beelo wada daga duleedka degmada Warsheikh ayaa la sheegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada ku  dagaalamaya duleedka degmada Warshiikh.

Dagaalka ayaa ka bilowday lahaanshaha dhul iyo deegaano xoolaha ay daaqaan, waxaana maalmahaan socday qorshe la doonayay in dagaalkaasi lagu qaboojiyo oo ay wadeen xubnaha maamulka Shabeelaha Dhexe.

Inta laga warqabo ku dhawaad 5 ruux ayaa waxyeelo kala duwan ay kasoo gaartay dagaalka ka dhacaya duleedka degmada Warshiikh ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Maxamed Yuusuf gudoomiye kuxigeenka Dhinaca Siyaasada iyo Amniga Degmada Warsheekh ayaa Sheegay in Dagaal Cuus uu Saakay ka bilowday Deegaano ka Tirsan Degmada Warsheekh ee G.Sh.Dhexe.

Gudoomiyaha  ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya  inay soo afjaraan  Dagaal Beeleedka ka soconayo Gobolkaasi Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com