29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

DAGAAL beeleed culus oo mar kale maanta dib uga qarxay duleedka Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dagaal beeleed u dhaxeeya laba maleeshiyo oo maalmihii dhowaa ka socday duleedka magaalada  Kismaayo, ayaa lagu soo warramayaa inuu sii xoogeystay islamarkaana ay dad badan ku dhinteen, saakayna uu halkaasi ka socdo

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimada Online, dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa Galbeedka Kismaayo, waxaana la isku adeegsanayaa hubka fudud iyo kuwa culus.

In ka badan 50 qof ayaa lagu waramay in ay ku geeriyootay colaad muddo isbuuc ah ka oogan duleedka galbeed ee caasimada ku meelgaarka maamulka Jubaland ee Kismaayo.

Dadkaan dhintay ayaa waxaa la sheegay isugu jiraan dad shacab ah iyo dhinacyadda dagaalamay oo maleeyshiyo beeleed.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in colaada oo wali taagan ay salka ku hayso dhul daaqsimeed iyo aanooyin la xiriira qabiil.

Tobanaan kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen isku dhacyadda ayaa la tilmaamay in la dhigay Isbitaalka guud ee Kismaayo.

Colaada ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay saaka mar kale qaraxdey, isla markaana dhinacyadda ay wadaan hub-uruursi xoogan.

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inay dhawaan ciidamo u dirayaan deegaanada dagaalka uu ka socdo, balse weli kuma guuleysan inay joojiyaan dagaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News