Somaliland oo raadineysa xirfadlayaal caafimaad oo cusub Coronavirus dartiis

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa bilaabeysa inay diiwaan-geliso xirfadlayaal caafimaad oo si mutadawacnimo ah uga qeyb qaata la tacaalida dadka uu soo rito cudurka dunida ku faafay ee Coronavirus.

Somaliland ayaa sheegtay inay maalinta Sabtida oo ay taariikhduna ku beegan tahay 4-ta bisha April, la diiwaan-gelin doono Mihnadlayaasha caafimaad, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Hargeysa oo ah halka ay dadka ugu badan ee reer Somaliland ay ku nool yihiin.

Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa Xirfadlayaasha caafimaad ka dalbatay inay is-diiwaan-galiyaan si ay qeyb uga noqdaan bad-baadinta bulshadooda.

Wasaarada ayaa ka dhawaajisay in maalintiiba ay 50-qof oo Mihnadlayaal caafimaad ah ka diiwaan-gelin doonto Xafiiska cududda shaqaalaha ee xarunta wasaarada caafimaadka Somaliland.

Somaliland ayaa wajaheysa halis Coronavirus ah, kadib markii dhowaan deegaanadeeda laga helay Labo qof oo qaba cudurkaasi, iyadoona la aaminsan-yahay in tiro kale oo intaasi ka badana ay la nool-yihiin cudurkaasi.

Hoos ka aqriso waraaqda Somaliland ay ku baadi-goobeyso Xirfadlayaasha Caafimaad: