DAGAAL beeleed culus oo xalay a dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaan lagu magacaabo Labadulle oo qiyaastii 25-KM koonfur bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, waxaana ka dhashay dhaawacyo intaas ka badan oo aan ilaa hadda la ogaan tiradooda rasmiga ah inta ay dhanyihiin.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaalamay, waxaana xalay deegaankaas ka jirta xiisad colaadeed.

Xiriir aan la sameynay dad ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay iyo deegaano hoos taga ayaa noo sheegay inay ka cabsi qabaan dagaal kale oo halkaasi ka qarxa, maadaama ay wali is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaalamay.

Dadkii uu khasaaruhu kasoo gaaray dagaalkaas u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed, ayaa sida aan xogta ku heleyno waxaa la kala gaarsiiyay si gargaar caafimaad loogu raadiyo magaalooyin Ceel-Garas iyo Dhuusamareeb oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com