Codeyn: Ma ku qanacsan tahay waxqabadka labada gole, Farmaajo iyo Kheyre?

Shabakada somalielections.com ayaa soo saartay xog uruurin shacabka Soomaaliyeed fursad loo siinayo in ay sheegaan heerka ay ku kalsoon yihiin waxqabadka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faraamjo, Ra’isul Wasaarahiisa Xasan Cali Kheyre iyo Dhammaan xildhibaanada labada gole ee baarlamanka

Xog uruurintan oo u dhaceysa qaabka Online ka ah, ayaa waxaa lagu ogaanaya marka ay dhammaato heerka ay gaarsiisan tahay kalsoonida shacabka iyo laamaha dowladda sida Madaxweynaha, golaha fulinta iyo golaha sharci dejinta.

Ma jirto meel laga heli karo dareenka shacabka marka ay timaado kalsoonida ay ku qabaan hoggaanka dalka, balse shabakada casriga ah ee Somali Elections aya siineysa shacabka in ay soo bandhigaan fekerkooda siyaasadeed iyo qaabka ay ula dhacsan yihiin hoggaanka dalka.

Haddaba halka hoose ka dhiibo codkaada sida aad u aragto hoggaanka dalka

  1. Maku qanacsan tahay shaqada Madaxweyne Maxamed Farmaajo (Riix oo Codee)
  2. Maku qanacsan tahay shaqada Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre (Riix oo Codee)
  3. Maku Qanacsan tahay shaqada Xildhibaanada Baarlabaanka JFS (Riix oo Codee)
  4. Maku qanacsan tahay shaqada Senatarada JFS (Riix oo Codee)