Guddiga qaban qaabada shirka Galmudug oo labo garab u kala jabay iyo khilaafka Ahlu-Sunna iyo DF oo xoogeystay.

Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Waxaa soo ifbaxay khilaaf ka dhex jira guddiga qaban qaabada shir dib u heshiisiinta Galmudug.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa u kala qeybsamay lix iyo lix, waxeyna hadda Dhuusamareeb ka kala daganyihiin labo xarumood.

Sidoo kale waxaa maanta soo baxay war sheegaya in xubnaha guddiga garabka raacsan guddoomiyaha guddigaas Baadiyow, kulan ay ku yeesheen Dhuusamareeb inay guddiga uga saareen xoghayaha guddiga Cabdikaafi Maxamed Maxamuud.

Cabdikaafi ayaa ah wasiirka qorsheynta Galmudug, sidoo kale waxa uu xubin ka yahay guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, iyadoo loo magacaabay xoghayaha guddigaas.

Mar uu warbaahinta lahadlay isagoo ku sugan Dhuusamareeb ayuu sheegay inaysan jirin cid ka saari karta guddiga, isagoo daaha ka qaaday khilaafka ka dhex jira guddiga dib u heshiisiinta Galmudug.

Waxa uu sheegay in arinta ugu weyn ee khilaafka ka dhex dhalisay xubnaha guddiga ay tahay, kala aragti duwanaasho ku saabsan inta maalin ee uu soconayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyo in shirkaas lagu casuumo beesha ku shirsan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Xubnaha guddiga ee loo xilsaaray qaban qaabada shirka ayuu sheegay inay iyagu u baahanyihiin dib u heshiisiin, isla markaana aysanba badan kood khibrad u laheyn howshii loo igmaday.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka iyo xubno kale ayuu shegay inay Dhuusamareeb ka wadaan arimo ku saabsan afkaaro diimeed iyo siyaasado guracan, oo aan sal ku laheyn howshooda dib u heshiineed.

Shirka dib u heshiisiinta Galmuug ayaa waxaa uu markii labaad dib uga dhacay waqti loo asteeyay inuu ku furmo, waxaana ilaa hadda la shaacin waqtiga uu furmayo, iyadoo inta badan Ergadii ka qeyb galaysay ay gaareen magaalada Dhuusamareeb oo ay taalo gogosha shirkaas.

Caasimada Online ayaa ogaatay in halka uu kafurmi la’ayahay shirka Dhuusamareeb ay tahay khilaaf ka dhex jira dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna oo xubnihii guddigaas oo la kala saftay.

Xoghayaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud iyo 5 xobnood oo kale ayaa la saftay garabka Ahlu-Sunna, oo DF ku eedeysay inay uga baxday heshiisyadii ay la gashay.

Sidoo kale guddoomiyaha guddigaas Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow iyo 5 xobnood oo kale ayaa iyaguna ku garab noqday DF, waxeyna si cad uga hor yimaadeen rabitaanka Ahlu-Sunna, iyagoo dajiyay qorshe ah in shirka Dhuusamareeb lagu soo gaba gabeeyo 5 maalmood gudahood, ayna daah furaan culumo uu hoggaminayo Sheikh Bashiir Axmed Salaad.

Caasimada Online

Xaafiiska Dhuusamareeb

Caasimada@live.com