DAGAAL BEELEED ka qarxay gobolka MUDUG!!

Mudug (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Camaara ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw ay dib uga bilawdeen dagaal beeleed khasaare sababay.

Dagaalkaan ayaa salka ku haya Ceelbiyood iyo dhul beereed la sheegay in lagu murmay, waxaana meelaha ugu badan ee dagaallada ka socdaan ay yihiin dhulka Baadiyaha ah ee ku dhaw Camaara.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay 3 qof, waxaana mid ka mid ah beelaha dagaallamaya la sheegay inay dishay Oday iyo Haweeney da’ah.

Maleeshiyaad kala matalaya Laba beel oo halkaasi wada degan ayaa la sheegay in ay isku sii hub uruursanayaan, iyadoo dagaalkana uu yahay mid socda.

Waxaa la doonayay in la diro Odayaal dhaqameed iyo sidoo kale Culimo hase ahaatee aysan suurta gelin in ay gaaraan halka lagu dagaallamayo, ka dib markii la sheegay in gaadiidkii ay saarnaayeen ay jidka u galeen Maleeshiyaad, dibna usoo celiyay.

Deegaanka Camaara iyo deegaanada kale ee ku dhaw waxaa horay uga dhacay dagaal beeleed sidaan oo kale, waxaana dagaaladaasi oo aan xal laga gaarin hadana dib uga qarxay dagaallo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com