Cabdiraxmaan FAROOLE “Anigu dadku waa ay ila yaabanaayen xiligii aan DFS kasoo horjeeday”

Garoowe(Caasimada Online)- Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Faroole oo iminka dib ugu soo laabtay Siyaasada Somalia ayaa sheegay in dadku ay yihiin kuwo mudan in leyska dhiciyo.

Waxa uu sheegay in C/weli Gaas iyo Mas’uuliyiinta iminka heysa xilka madaxtinimo ee Puntland ay aad ula yaabi jireen xiligii uu ka hor imaan jiray Dowlada Somalia.

Faroole wuxuu ku andacooday in DF Somalia aysan laheyn mabaa’dii Siyaasadeed oo ay ku maareyso Siyaasada dalka balse ay mudan tahay in laga hor imaado talaabooyinka ay qaadeyso, bacdamaa uu yiri ay ka talaabeyso xeerka u degan Somalia.

Sidoo kale, Faroole ayaa ku eedeeyey in Dowlada Somalia ay isla meel dhigi jireen heshiisyo gaar ah, balse aysan jiri jirin cid fulin jirtay isagana uusan dhag jilaq usiin jirin baalmarka heshiisyadaasi.

DF Somalia gaar ahaan Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayuu ugu baaqay inuu xal ka gaaro muranka ay DF Somalia ku heyso dhulka Puntland, waxa uuna uga digay inuu garabsiiyo Madaxweyne Xassan iyo Siyaasiyiinta garabkiisa ah ee iminka ku bahoobay Galmudug.

C/raxmaan Faroole ayaa si toos ah gacanta ula soo galay Siyaasada ka dhex aloolsan DF Somalia iyo Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isaga oo ka duulaayo cabashooyinka ka soo yeerayo C/weli Gaas oo ku jahwareersan Siyaasada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com