Xog: Waa kuma ninka dulaalka u ah Norway iyo Kenya ee dowlada Soomaaliya u iibinaya badda!

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu duwaha Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ee Geeska Afrika Xassan Cali Kheyre, ayaa la sheegay inuu yahay dulaalka ugu weyn ee u kala dabqaadaya Dowladaha Norway, Ingiriiska & Kenya oo isku dhinac ah & Dowladda Soomaaliya oo madaxdeedu heshiis lagula galay in Kenya loo xalaaleeyo qeybo ka mid ah badda Soomaaliya, oo ah halka shidaalka ugu badan laga helay.

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay saraakiil ka tirsan Hay’adda sirdoonka Soomaaliya (NIS), ayaa xaqiijiyey in ay heleen macluumaad dheeri ah oo ku saabsan in Kheyre, oo haysta dhalashada dalka Norway uu yahay wax lagu sheegay “big dealer” u kala dabqaadaya dhinacyada ku lugta leh mashruuca badda.

Sarkaalka xogta soo gudbiyey oo magaciisa diiday in la xuso sababo ammaankiisa la xiriira, wuxuu sheegay in Kheyre uu yahay buundadii isku xireysay dalalka isu taagay bililiqeysiga kheyraadka Soomaaliya & kuwa madaxda u ah Dowladda Soomaaliya, isaga oo ku guuleystay in mar kale xilka R/wasaaraha loo magacaabo Cumar C/rashiid si loo dhameystiro howshii qabyada aheyd ee iibinta badda, iyo in Dowladda Soomaaliya ay ka laabato dacwada Kenya ka dhanka ah ee ay geysay Heeg.

“Wuxuu ku magacaaban yahay xil lagu qarinaayo shaqadiisa dhabta ah oo {Cover up} loogu sameynayo, markii hore wuxuu isu duwe uga ahaa geeska Afrika NRC, hadda wuxuu ku magacaaban yahay shirkada Somali oil; waxaa intii muddo aheyd raadinayey dalal reer galbeed ah oo u arkaya inuu yahay nin udub-dhexaad u noqon kara mashruuca ku saabsan sidii qeyb ka mid ah badda Soomaaliya Kenya loogu wareejin lahaa, wuxuu si toos ah ugu xiran yahay oo ay wada shaqeystaan Xassan Sheekh oo hadafkiisu ay tahay inuu helo 2 arrimood oo keliya: In uu soo laabto 2016 & Dhaqaale uruursi. Haddaba cid kasta oo 2-daas arrimood gacan ka siineysa wixii ay dooneyso diyaar ayuu u yahay” Ayuu yiri sarkaalka ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ee xogta soo gudbiyey, wuxuuna intaasi raaciyey in Madaxweynaha, R/wasaaraha & Wasiirka arrimaha dibedda ay lacago xad dhaaf ah kaga qaateen shirkadahaas in dib looga laabto dacwada.

“Kheyre hadda wuxuu ku mashquulsan yahay sidii dhaqaale loo siin lahaa madaxda Soomaalida, si loo laalo dacwada Dowladda Soomaaliya ay geysay “Heeg” lacagahaas intooda badan waxaa bixisa Norway” Ayuu yiri sarkaalka, wuxuuna intaa raaciyey in Soomaalida xalaasha ah ee damiirkoodu wanaagsan yahay, kuna xisaabtayama taariikhda ay ka tegayaan in ay ku adag tahay in maal adduunyo ay dhaafsadaan wax adduun & aakhiro dambi & ceeb ku ah.

“Soomaaliya waxeey noqotay markab jabay oo qolo kasta oo dooneysa in ay markabkaasi fagato waxeey soo adeegsataa kuwa muuqaalka Soomaali ka ah, gudaha na wax kale ka ah. Soomaali meel kasta oo ay joogta waxaan ka codsanayaa in ay dareenkooda ku muujiyaan sidii ay uga dhiidhin lahaayeen in taako ka mid ah dhulkooda la dhaco” Ayuu yiri sarkaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com