Xog + Sawirro: R/W CUMAR iyo sababta uu tagay Cadaado iyadoo magaalada Garowe laga sugayo

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta tagay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, xili laga sugayay magaalada Garowe oo ay ku sugan yihiin Axmed Madoobe iyo C/welli Gaas.

Safarka ra’iisul wasaaraha ee magaalada Cadaado oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa sida wararka aan ku heleyno wuxuu ra’iisul wasaaraha kala hadlayay madaxweynaha Galmudug arimaha la xiriira qeylo dhaanta Puntland ee ku wajahan Galmudug.

Wararka waxay sheegaan in kulan gaar ah uu dhexmaray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, kaasi oo ay kaga hadlayeen khilaafka cusub ee Galmudug iyo Puntland, kaasi oo dhanka xuduuda ku saleysan.

Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa caawa ku hoyonaya magaalada Garoowe halkaasi oo gelinkii dambe ee maanta uu tagay, waxaana uu ku biiriya kulamadii maalmahaan magaalada Garoowe ay ku yeelanayeen Axmed Madoobe iyo Cabdi welli Gaas.

128

219

219

414

510

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com