Dagaal beeleed ka qarxay Hiiraan iyo dhimashada 15 qof oo la xaqiijiyey (Aqriso)

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed maanta dib uga qarxay duleedka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa uu saaka ka bilowday deegaano dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu weli socdo, una dhexeeyo labo Beelood oo wada daga halkaasi.

Ku dhawaad 15 qof oo labad dhinac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkaasi, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 23 kale.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay HirShabelle iyo GalMudug oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalka u dhexeeya Maleeshiyaadkan ayaa marar badan ku soo laa laabtay gobolka Hiiraan, waxaana ay iska dileen inta ay dagalaamayeen tiro aad u badan.

Xiisada Beelaha dagaalamaya ayaa salka ku heyso muran la xariira dhul daaqsimeed.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com