Dagaal ciidamada dowlada iyo koox hubeysan maanta ku dhex-maray Xamar Weyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada booliiska degmada Xamar Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida.

Kooxaha Burcada iyo ciidamada Booliska ayaa israsaaseyn Ku dhex martay degmada Xamarweyne, iyadoona khasaare uu ka dhashay israsaaseyntaasi.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay oo Shacab ah, halka afar qof oo kalana ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah uu yahay kooxihii burcada ahaa, iyadoona ciidamada ay gacanta Ku dhigeen kooxaha burcada ah.

“Ciidamada boliiska degmada X/Weyne ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan 3 burcad hubeysan oo dhacaayay shacabka suuqa ka soo doontay adeega ciida. Burcadka ayaa dagaalamay, israsaaseyn ka dib sadaxdii burcad oo mid dhaawac yahay ayaa gacanta lagu dhigay. Sadax shacab ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray hal kalena ku dhintay israsaaseynta burcadka oo galay goob dukaan” sidaasi waxaa sheegtay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Zakiya.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa Ku dagaalama kooxo burcad ah iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com