Dagaal culus oo dhex-maray maleeshiyo kala taabacsan PUNTLAND iyo GALMUDUG

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal beeleed saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid culus uu u dhexeeyo maleeshiyaad kala taabacsan maamullada dariska ee  Puntland iyo Galmudug, waxaana xoogiisa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Taar-Roge oo ka tirsan gobolka Mudug.

Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in dagaalka oo ahaa mid culus la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu dhex-dhexaadiyo labada dhinac oo horay ugu dagaalamay halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaan ku geeriyooday ugu yaraab laba qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen shan kale oo dhamaan ah dhinacyadii diriray.

Dagaallada u dhexeeya maleeshiyada labada dhinac ayaa marar badan ku soo laa-laabtay gobolka, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah.