Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Deegaano dhanka barri kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.
Dagaalka oo ahaa mid dhowr saac qaatay ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanada Gacmo Fale iyo Dabeedhaale, iyadoona uu ahaa mid u dhexeeyay Labo Maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku geeriyooday 3-ruux, halka dhaawacana uu soo gaaray ilaa 4-ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyay.
Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa iminka waanwaan ka dhexwada Maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay Gaalkacyo, Dagaalada salka ku haya aanooyinka Qabiil ayaa kusoo laablaabtay Gobolka Mudug gaar ahaan xuduuda u dhaxeysa Galmudug iyo Puntland.
Dhanka kale, Mas’uuliyiinta labada Maamul ayaan weli ka hadal Dagaalka iyo Khasaaraha uu dhaliyay, waxaana hadda degan xaalada Deegaanada lagu dagaalamay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

