Baxdo (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qodqod oo u dhow magaalada Camaara ee gobolka Mudug.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa deegaankaas ku weeraray Khawaarijta Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.
Dagaal culus oo maanta duhurkii soo bilowday kadib, Geesiyaasha xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay deegaankaan iyo deegaano kale oo dhowr ah oo hoos taga magaalada Camaara.
“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ee ku jira howlgalka sifaynta Khawaarijta ee Galmudug ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka ciribtirka Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.
Ciidamada deegaanka oo ka baxay degmada Baxdo ilaa deegaanka Xin-lebi oo maalin ka hor laga xoreeyey kooxda ayaa maanta weeraray deegaanada ku hareereysan Camaara, wuxuuna dagaalka ugu culus ka dhacay Qodqod.
Meydadka maleeshiyaad badan oo Shabaab ah ayaa la sheegay inay caawa yaalaan gudaha deegaanka Qodqod, kuwaas oo ciidamadu ay galabta laayeen.
Dagaalkaan waxaa qeyb ka ahaa diyaaraha dagaalka oo duqeymo dagaalka tooska ah barbar socday u geystay kooxda Al-Shabaab ee lagu weeraray Qodqod.
Dagaalka kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ayaa xoogeystay maalmahaan, waxaana xoogga la saaray deegaanada ay ka joogaan Mudug, ciidamo kale oo ka soo baxay Wasil oo maalmo ka hor xoreeyey deegaanka Laas-gacamey ayaa caawa kaabiga ku haya magaalada Bacaadweyn.