Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Cadaado (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo hub kala nooca leysu adeegsaday ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsan maamulka Galmudug, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka soo ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa laba askari, waxaana ku dhaawacmay Seddex kale kuwaa oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada cadaado.

Saakay ayaa waxaa magaalada laga dareemayaa  dagaalkii xalay dhacday, sidoo kalena ay jirto cabsi kale oo ku aadan in mar kale ay wax dhacaan.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay diideen inay Cadaado galaan ciidan kale oo ka yimid dhanka Gaalkacyo, sababo la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxda Galmudug.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com