Dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Ugu yaran illaa todobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen dagaal qaraar oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaan galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Unguumi oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka diriray ay isku hayaan arrimo la xariira dhul-daaqsimeed iyo ceel biyood ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Jubbaland ciidamo dheeraad ah ay u dirtay deegaanka lagu dagaalamay oo weli laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu markale dagaalku dib u sii qarxo.

Colaada u dhexeysa beelaha dagaalamaya ayaa la sheegay inay muddo ka taagneyd duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.