DAGAAL culus oo mar kale ka qarxay gobolka HIIRAAN iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal culus uu dib uga qarxay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo sidoo kale xoogaga Al-Shabaab.

Dagaalka oo weli socdo ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanno dhaca jinka webiga, islamarkaana hoostaga Beledweyne.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu ay gaareen deegaanada Baareey iyo Dhoqor oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, waxaana ka socdo dagaal xoogan.

Sidoo kale ciidamada ayaa u suuragashay inay burburiyaan doomo ay isticmaalayeen dagaalyahanada lagu weeraray deegaankaas, kuwaas oo uga gudbi jireen webiga.

Saraakiisha dowladda ayaa shaaciyey in ujeedkooda uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan halkaasi, iyaga oo tilmaamay inay ka warbixin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

\Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana la soo warinayaa inuu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac.

Hiiraan ayaa xudun u noqotay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana tan iyo markii uu billowday kooxda looga qabsaday deegaanno dhowr agh oo ka tirsan gobolkaasi.