Dagaal culus oo ka qarxay magaalada GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar aan hadda helnay ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka qaraxay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo Ciidamo maleeshiyaad ah iyo kuwa nabad sugida dowladda Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka oo muddo dhowr daqiiqado ah ka socday halkaasi.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tirsanaa nabad sugida Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka kala tirsanaa labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen askar u abaabulan qaab Qabiil, islamarkaana uu watay sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo ciidamada nabad sugida dowladda.

Sarkaalka ayaa isku dayay in uu xoog ku maro waddo u xirneyd ciidamadaasi, kadibna waxaa halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Galmudug.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka magaalada, kuna aadan shaqaaqadaasi.

Ammaanka magaalada kala qeybsan ee Gaalkacyo ayaa muddooyinkii dambe faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhacayeen falal liddi ku ah nabad galyada.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa lagu dilay illaa 13 Qof oo rayid ahaa, kuwaas oo toogasho lagu dilay.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
caasimada@live.com