Dagaal culus oo ka qarxay Tukaraq iyo hub culus oo la isu adeegsanayo

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in labada dhinac ay isku adeegsanayaan Hubka noocyadooda kala duwan, waxaana barakacaaya dadka deegaanka.

Ciidamada labada dhinac ee uu dagaalka u dhexeeyo ayaa isku adeegsanaaya Hubka culus, waxaana lasoo warinayaa inuu ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Dagaalka ka socda degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyay dagaalka, wuxuuna sheegay in laba jiho ay Ciidanka Puntland ka soo weerareen kuwa Somaliland.

Dhanka maamulka Puntland saraakiil amni oo u hadashay ayaa waxay xaqiijiyeen in dagaalka uu jiro, balse hada aanay faah faahin ka bixin Karin.

Sidoo kale, Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Dhinaca kale, labada ciidan ee uu dagaalka u dhexeeyo ayaa kala dalbanaaya Gaadiid dagaal oo hor leh, waxaana suuragal ah in dagaalka uu kasii xoogeysto halka uu hadda maraayo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com