Amiirka Qatar oo qoraal cajiib ah ka soo saaray la kulankiisii Farmaajo

Doha (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.

Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamiim bin Xamaad Althani ayaa qoraal uu ku qoray Twitterkiisa ku sheegay in dowladda Qadar ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Qadar ay taageereyso midnimada,madaxbanaanida iyo Amniga Soomaaliya islamarkaana ay dowladda Soomaaliya siineyso kaalmo joogto ah.

Hadalkan waxaa uu soo baxay kaddib kulan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Magaalada Dooxa kula yeeshay Amiirka Qadar.

Billowgii Bishan waxaa sarkaal ka tirsan Dowladda Qadar uu u sheegay Reuters in dowladdiisa ay siisay Soomaaliya lacag dhan $385Milyan oo doollar,taas oo inta badan loo adeegsaday howlaha Bani’adamnimada,Waxbarashada iyo Caafimaadka Soomaaliya.

 

” Xiriirka aan la leenahay Jamhuuriyadda Soomaaliya ee aan walaalaha nahay waa xiriir ku dhisan walaaltinimo iyo Ixtiraam, wada hadalada aan la yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaa lagu sii xoojinayey arrintaan, waxaana xoogga ku saarnay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dowladood ka dhaxeeyo”.

” Dowladda Qatar way sii wadi doontaa sidii ay u taageeri laheyd Midnimada  Soomaaliya, xasiloonideeda, qaranimadeeda  iyo barwaaqada shacabkeeda”. ayuu yiri Amiirka Qatar oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka.

Hadalka Amiirka ayaa u muuqdo inuu ahaa mid lagu durayo dowladda Imaaraadka Carabta taasoo lagu eedeeyey inay ka shaqeeneyso sidii loo kala jari lahaa midnimada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa iska hor keentay Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo dowladda dhexe kadib markii ay dowladda dhexe ku adkeysatay inay go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqato inay si weyn u garab istaagtay dowladda Qatar oo ku jirto xaalad go’doomin ah, waxayna dowladda Imaaraadka Carabta awoodeeda dhan isugu geysay sidii ay Soomaaliya xiriirka ugu jari laheyd dalkaas taasoo u muuqato inay tahay rajo ceel kusii dhaceyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii sedexaad kulan la qaatay amiirka dalka Qatar tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna midaas muuijineysaa inay Soomaaliya jirto dhanka dowladda Qatar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com