Dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Dagaalka oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Maaya Fuulka ee gobolka Baay, kadib markii ay soo weerareen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyay xero ay daganaayeen ciidamada, waxaana kadib xigay dagaal aanba waxba la’isku reebay kaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka ay is waydaarsanayeen labada dhinac balse aysan cadeyn karin inta uu la’egyahay khasaaraha.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkan waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, dibna ay u celiyeen.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul ka sheegatay dagaalka, waxaana ay shaacisay in khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay howlgal ka sameeyeen duleedka Baydhaba, iyaga oo gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo inay gacan saar la leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Baydhaba iyo naxaawigeeda ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro kala duwan oo gaysta khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.