Dagaal culus oo ka qarxay degmada Wanlaweyn

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal dib uga qarxay degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed kaas oo haatan ka socda xaafadda Muuri ee degmadaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan guddoomiyaha maamulka degmada, MudaneMaxamed Siidow iyo ku xigeenkiisa dhinaca arrimaha bulshada Axmed Kheyr, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Labada mas’uul aya waxaa horey uga dhexeeyey khilaaf dhinaca maamulka ah, kaas oo ugu dambeyn sababay dagaalka maanta ka qarxay Wanlaweyn

Wararka ayaa intaasi ku daraya in iska hor imaadkani uu sababay khasaare kala duwan, waxaana waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Sh/Hoose oo ku aadan dagaalkan iyo khasaaraha uu geystay.

Sidoo kale waxaa billowday dadaallo nabadeed oo lagu joojinayo xabadda ka billaabatay Wanlaweyn, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo maamulka gobolka.

Wanlaweyn ayaa waxaa ku soo laa-laabta khilaafaadka dhinaca maamulka, waxaana horey uga dhacay dagaal beeleedyo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.