MUUSE BIIXI oo jeediyey hanjabaad lama filaan ah oo la xiriirta aqoonsi raadinta

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeedinayey munaasibad lagu xusayey 18-kii May, ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dhiig badan u daadiso ictiraaf raadinta, sidii kal hore ay ugu daadisay madax-banaanida ay ku doodo.

Muuse Biixi ayaa carabka ku adkeeyay in yoolka koowaad ee Somamliland uu yahay inay hesho ictiraaf, xili ay u dabaal-dageyso sanad guuradii 30-aad ee kasoo wareegtay xiligii ay ku dhawaaqday madax-banaanida ay ku doodo, ee aan aqoonsiga caalamiga ah helin.

“Yoolkeena koowaad waa ictiraaf in aanu helno oo uu noqdo Somaliland qaran jira oo qeyrkii wax la qeybsada oo goleyaasha caalamiga ah aanay cidina matali karin, waqti kasta ha nagu kacdo, qiima ay doonto ha noogu kacdo, dhiiggii loo soo daadiyay (Somaliland) mid ka badan ayaanu u daadinaynaa ictiraafka, haddii loo baahdo,” ayuu yiri.

“Somaliland waxaa ka go’an dowladaa-na waajib ku ah in ay doorashooyiinka noqdaan kuwa waqtigooda lagu qabto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray asaga oo ka hadlaya muhiimada ay qabsoomida doorashooyinka u leeyihiin dowladnimada Somaliland.

“Inaga oo aan raalli kala ah aan qabano doorashooyiinka oo wax badan aan isla gorfeyno inta aanan doorashooyinka galin, doorashooyiinku waa in midnimo iyo kalgacal, horumar iyo waxqabad inoo horseedaan, ma aha inay caay iyo qabaa’il iyo fadeexad iyo xumaan inoo horseedaan.”

Somaliland ayaa ayadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, inkasta oo aysan helin ictiraaf caalami ah, haddana waxay u dhaqanta sidii dal ka madax-banaan Jamhuuriyada, taasi oo dhowr jeer xiisad ka dhex-abuurtay Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.