Dagaal cusub oo ka qarxay gobolka Sanaag + Khasaaraha

Ceel-afweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maalintii labaad uu xiriir ah dagaal beeleed uu ka socdo aagga degmada Ceel-Afweyne, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimash iyo dhaawac intaba.

Dagaalka ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, isaga oo ku fiday deegaano hoostaga degmadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Jiif Caaqil Ibraahin Ismaaciil Jaamac oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda deegaanka, wuxuuna sheegay in weli dagaalka uusii socdo, khasaarahana uu kordhayo.

Sida uu xaqiijiyey Caaqilku waxaa dagaalna ku dhintay ugu yaraan  5 qof iyo halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah.

“Shalay khasaaruhu 5 qof ayay ahayd dhaawacuna dhowr iyo toban ayuu ahaa, maanta wali xabadu way socotaa oo lama oga khasaaraha” ayuu yiri Jiif Caaqil Ibraahin.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, waxaana nawaaxiga Ceel-Afweyne ka billowday barakac ay sameynayaan dadka deegaanka, si ay uga fogaan dagaalka ka socda dalkaasi.

Sidoo kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Somaliland oo ku aadan dagaalka kasoo cusboonaaday dahlkaasi.

Sanaag ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaas oo saameynta ugu badan ku yeesha dadka shacabka, waxayna salka ku hayaan aano Qabiil.

Si kastaba, Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay haatan Somaliland ku mashquulsan tahay dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool oo shalay jab xoogan lagu gaarsiiyay.