Dagaal dhinac badda ah oo laga cabsi qabo inuu dhex maro DF iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) –  Somaliland ayaa muujisay digniin ku aaddan dagaal cusub oo dhinaca badda ah oo dhex-mara ayada iyo dowladda Soomaaliya horaanta sannadka cusub ee 2019, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha siisay ruqsado kalluumaysi.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay shirkado laga leeyahay dalka shiinaha oo ku bahoobay magaca COFA siisay ruqsado kalluumaysi oo ay ugu fasaxday inay badda ka kalluumaystaan. Shirkadaha dalladan ku bahoobay oo wata maraakiib kalluumaysi oo hubaysan ayaa tiradooda lagu sheegay 33 shirkadood.

Sida ka muuqata heshiiskan, waxa ay dawladda Soomaaliya shirkadahan Shiinaha laga leeyahay u sheegatay inay maamusho oo ay masuul ka tahay guud ahaan xuduudka badda Soomaaliya oo Somaliland ay ku jirto.

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa ka jawaabay ruqsadahaas ay Soomaaliya bixisay, waxaanu sheegay inaanay ahayn kuwo khuseeya biyaha Somaliland maadaama oo ay Somaliland ka madaxbanaantahay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay, waxaanu shirkadaha Shiinaha uga digay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland.

Shirkadaha Shiinaha ee ruqsadda la siiyey ayaa loo ogolaaday inay hub iyo ciidan ilaaliya wadan karaan.

Somaliland ayaa sheegtay inay leedahay ciidan badda ah oo ilaaliyaha xeebaha Somaliland, kuwaas oo Somaliland ka badbaadiyay budhcad badeeda looga caagay xeebaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com