‘Wasir Adel Al-Jubeir waa la bah-dilay waxaana isku furtay Max’ed Bin Salman’

Riyadh (Caasimada Online) – Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz ayaa wsiirkii hore ee maaliyadda dalkaas Ibrahim al-Assad u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee arrimaha dibedda dalkaas.

Assaf ayaa beddelaya Adel al-Jubeir, oo loo magacaabay inuu noqdo wasiiru dowlaha cusub ee arrimaha dibedda. Adel al-Jubeir ayaa ahaa wasiirka kaliya ee aan ka dhalan boqortooyada ee ku jira xukuumadda Sacuudiga.

Taxliiliyayaasha siyaasadda carabta ayaa rumeysan in xil ka qaadista Adel Al-Jubeir ay tahay mid uu isku furnayo Maxamed Bin Salmaan kadib khaairjintii weriye Jamal Khaashuqji.

Marwan Kabalan, oo ah madaxa fallanqeynta siyaasadda ee Xarunta Cilmi-baarista ee Arab ayaa sheegay inuusan la yaabin xil ka qaadista Al-Jubeir, sabbatoo ah waxaa loo arkay nin ka haray xukunkii boqorkii geeriyooday ee  Cabdalla.

“Waan filaynay in mar ay ahaataba xilka laga qaado Al-Jubeir, xitaa ka hor inta aan la dilin Jamal Khaashuqji” ayuu yiri Kablan.

“Hase yeeshee waxaa hadda loo adeegsaday mid la isku furtay, ayada oo la muujinayo in wixii ku dhacay Jamal uu mas’uuliyadeeda isaga leeyahay”.

“Sida aan horey u sheegay Amiir Maxamed Bin Salmaan waxa uu doonayey qof uu dusha u saaro mas’uuliyadda dilka weriye Jamal Khaashuqji, mana jiro qof ka sarreeya Adel oo sidaas lagu sameeyo” ayuu yiri.

“Sababtoo ah qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ee lagu dilay weriye Jamaal Khaashuqji waxay hoos imaneysay Adel Al-Jubeir” ayuu sii raaciyey.

Ka sokow xil ka qaadista lagu sameeyey, haddana in Adel Al-Jubeir laga dhigo wasiiru dowle isaga oo mar ahaa wasiirka ugu sarreeya wasiirada, ayaa waxaa dadka qaar u arkaan bah-dil lagu sameeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com