Yerevan (Caasimada Online) – Wasaaradda Difaaca ee Armenia ayaa Maanta sheegtay in seddex ka mid ah ciidamadooda la dilay, laba kalena laga dhaawacay kadib iska hor imaadyo ay la galeen ciidamada Azerbaijani oo ka dhacay xadka ay wadaagaan labada dal ee hore uga tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeeti.
Sidoo kale Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa sheegtay in laba ka mid ah shaqaalaheeda la dhaawacay Arbacadii Maanta.
Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay dagaalada. Azerbaijan waxay sheegtay in ciidamada Armenia ay rasaas ku fureen fariisimahooda ee ku yaala qaybta Kalbajar ee xadka. Milatariga Armenia ayaa sheegay in shaqaalahooda ay weerareen ciidamada Azerbaijan.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Armenia waxay soo saartay bayaan ay ku sheegayso in “dhinaca Azerbaijan ay si ula kac ah u billawday xiisadda dagaalka,” Wasaaradda arrimaha dibedda ee Azerbaijan ayaa iyana dhankeeda sheegtay “mas’uuliyadda ka sii darista xaaladda iyo daandaansiga kale ee ku aadan soohdinta Armenia iyo Azerbaijaan waxaa gebi ahaanba leh hoggaanka militariga-siyaasadeed ee Armenia.”
Xiisadaha ka taagan xadka labadaan dalka ayaa soo taagneyd tan iyo bishii May, markaas oo Armenia ay ka mudaaharaaday wax ay ku tilmaamtay duulaanka ciidamada Azerbaijan ee dhulkeeda. Azerbaijan waxay ku adkaysatay in askarteeda la geeyay meesha ay u aragto inay tahay dhulkeeda oo ka tirsan meelaha xadka aan weli la calaamadin.
Ka dib isku dhacyadii Maanta, Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Azerbaijan waxay ku boorisay Armenia “inay joojiso daandaansiga milatari oo ay bilowdo wada xaajoodka ku saabsan xadeynta xuduudaha labada dowladood.”
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Armenia waxay wacad ku martay inay “u adeegsan doonto dhammaan qalabkeeda siyaasadeed iyo midkeeda militari si waafaqsan sharciga caalamiga ah” iyadoo ka jawaabeysa “adeegsiga Militari ee Azerbaijan ee ka dhanka ah midnimada dhuleed ee Armenia.”
In ka badan 6,000 oo qof ayaa la diley dayrtii la soo dhaafey kadib Lix toddobaad oo lagu dagaalamayey Nagorno-Karabakh, oo ku taal Azerbaijan dhexdeeda laakiin gacanta ugu jirtay xoogagga qowmiyadaha Armenia oo ay taageerayaan Ciidamada Dowladda Armenia.
Dagaalkaas ayaa wuxuu istaagay markii ay labada dhinac gaareyn heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka ahayd Ruushka oo bishii Nofeembar u oggolaaday Azerbaijan inay dib ula soo wareegto gacan ku haynta qaybo badan oo ka mid ah Nagorno-Karabakh iyo aagagga ku xeeran, oo ay gooni u goosadyadu taageerayeen Armenia ay gacanta ku hayeen in ka badan 25 sano.