Israel oo ka baxday heshiikii ay la gashay Imaraadka iyo xiriirkooda oo halis ku jira

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Ilaalinta Deegaanka Israel Tamar Zandberg ayaa joojiyey fulinta heshiis weyn oo dhoofinta shidaalka ah, oo u dhaxeeya Israel iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo halis gelin karta heshiiska curdunka ah ee labada dal. 

Heshiiskan oo yimid markii labada dal ay yeesheen xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah sanadkii tegay ayaa dhigayey in shidaalka Imaaraadka Carabta Markab lagu keeno dekedda Eilat ee Israel, kadibna dhuun shidaal halkaas ay ka qaado oo ay geyso Yurub,  ayada oo la marinayo dekedda Ashkelon. 

Hase yeeshee, heshiiska ayaa waxaa si aad ah uga horyimid kooxaha u dhaqaaqa ilaalinta deegaanka Israel, oo ku dooday in dhuuntan shidaalka ay waxyeello xooggan gaarsiin karto xeebaha Eilat. 

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa ka digay in ka bixitaanka heshiiska uu keeni karo inuu go’o xiriirka labada dal. 

Saraakiisha Imaaraadka Carabta oo la hadlay wargeyska Israel Hayom ayaa sheegay in markii heshiiska la saxiixay sanadkii tegay la sameeyey dhammaan tijaabooyinka lagama maarmaanka ah ee dhanka deegaanka.

“Ka bixitaanka heshiiska wuxuu hoggaamin karaa in xiriiradii diblomaasi iyo kuwii ganacsi ee Imaaraadka Carabta iyo Israel ay meesha ka baxaan,” ayey ka digeen saraakiisha Imaaraadka. 

Saraakiisha Israel ayaa hadda isku dayaya inay Imaaraadka Carabta u sharxaan in dowladda cusub ee la wareegtay Israel ee beddeshay xukuumaddii Netanyahu ay u badan tahay waqti dheeri ah, oo ay xaaladda ku darasto. 

“Waa arrin halis ah sababtoo ah heshiiska waxaa ka baxay hal dhinac, oo ah Israel. Waxaan filaa in Imaaraadka ay fahasan yihiin in tani ay tahay dowlad cusub oo siyaasad gaar ah leh,” waxaa sidaas yiri Yoram Meital oo ah taariikhyahan Israeli ah.

Heshiiska ayaa haddii la fuliyo waxaa dakhli ballaayin dollar ah uu sanadkii kasoo geli ahaa labada dal.