Dagaal hub culus leysu adeegsanaayo oo ka qarxay Tukaraq & Gaadiid gurmad oo ku qulqulaaya

Garoowe (Caasimada Online)-Dagaal hub culus leysu adeegsanaayo ayaa waxa uu goordhow ka qarxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxa uu u dhexeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland oo waayadan isku horfadhiyay degaanka Tukaraq.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo uu hoggaaminayo Hogaamiye ku-xigeenka Puntland ay weerar gaadmo ah ku qaaden Saldhiga ay ku sugnaayen ciidamada maamulka Somaliland ee Tukaraq.

Dagaalka oo hubka culus uu ku bilowday ayaa ku faafay deegaano kale, waxaana lasoo sheegayaa in labada ciidan ay isku dirsadeen gurmad, waxaana qeybo kamid ah deegaanka laga maqlayaa daryanka Madaafiicda.

Dadka degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, ayaa soo warinaaya inay ku jiraan barakac, isla markaana dagaalka iminka socda uu yahay mid ka duwan kuwii socday maalmahaan.

Maamulka Puntland ayaa asbuucii tagay ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ciidamada maamulka Somaliland ee ku sugan deegaanka Tukaraq, waxaana xigay dagaalka iminka qarxay.

Dhinaca kale,  deegaanka Tukaraq ayaa waxaa ku qulqulaaya gaadiid dagaal oo gurmad u ah labada dhinac, waxaana laga cabsi qabaa inuu sii xoogeysto dagaalka.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com