Farmaajo oo lagu wado in khudbad uu ka jeediyo shirka maanta ka furmaaya magaalada Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galab gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in manta uu magaalada Addis Ababa uga qeybgalo shir Madaxeedka  ee Midowga Afrika, waxaana ka qeybgalaaya madax farabadan oo kala matalaaya dowladaha Africa.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ee maanta furmaaya ayaa noqonaaya shirkii 30-aad ee madaxda Afrika isugu yimaadaan waxa uuna qaadan doonaa muddo labo maalmood ah.

Shirkan oo maanta furmaaaya ayaa waxaa sanadkaan looga hadli doonaa xoojinta dagaalka lagula jiro musuq-maasuqa oo ay hoggaamiyeyaasha Afrika si wadajir ah uga shaqeyn doonaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in shirka uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadli doono musuqa, saameynta uu ku leeyahay horumarka Africa iyo sida ay dowladiisa uga hortagtay mudada ay jirto.

Inta uu shirku socdo ayaa waxaa sidoo kale jiri doona shirar gooni gooni ah oo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Afrika, kuwaas oo uu kala hadli doono xoojinta iskaashiga labada dal.

Geesta kale, magaalada Addis ababa ayaa waxaa horay ugu sii sugnaa wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo gogol xaar u ahaa Wafdiga Madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com