Ethiopia oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan mucaaradka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay kasii baxeyso dhibaatooyinka Siyaasadeed ee ku hareereysan.

Workneh Gebeyehu, waxa uu sheegay inay u muuqato isbedel ay ku talaabsatay Somalia, waxa uuna tusaale usoo qaatay dhinacyada Siyaasada, Amniga iyo Horumarka.

Workneh Gebeyehu, oo hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay addis ababa oo uu ka jeedinaayay khudbad ayaa cod dheer ku sheegay in dowladiisa ay mar waliba garab u noqon doonto Somalia, waxa uuna meesha ka saaray inay faragalin ku hayaan arrimaha Somalia.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay kala saxiixdeen heshiis dhigaaya inaan la taageerin dhinacyada kasoo horjeeda Siyaasada iyo Horumarka labada dhinac.

‘’Waxaan qireynaa in Somalia ay kasii baxeyso dhibtii ay ku jirtay sanadaha badan, waxaa u baryay waa cusub waxaanu rajeyneynaa inaan ka caawino baahiyaheeda gaarka ah’’

‘’Weynu taageersanahay dowlada Somalia waxaanu lid ku nahay dhammaan dhinacyada kasoo horjeeda dowlada Somalia, waxa aanu garab siin doonaa dowlada’’

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in dhinacyada mucaaradka ay ugu baaqayaan inay kala ilaaliyaan maslaxada Qaranka iyo rabitaankooda, waxa uuna ku taliyay in laga shaqeeyo samata-bixinta Somalia.

Haddalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa imaanaya xili magaalada Addis Ababa ay ku sugan yihiin Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiin kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com