Maxay tahay sababta ay Kenya ruqsadda ugala noqotay diyaaradihii qaadka keeni jiray Somalia?

Ururka ay ku midoobeen Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay in ay khasaare badan galeen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kaddib markii Diyaaradaha qaadka ka qaadi jiray ee keeni jiray Soomaaliya ay hoos u dhaceen.

Hay’adda socdaalka Hawada Kenya ayaa inta badan Ruqsadaha kala noqotay Diyaaradaha qaadka u soo qaadi jiray Soomaaliya,waxaana hadda ruqsadda heysa kaliya afar diyaaradood.

Guddoomiyaha Ganacsatada Qaadka Kenya  Kimathi Munjuri,ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda aaddo kaliya afar diyaaradood maalinkiiba halka ay markii hore ka ahayd 15 diyaaradood.

Waxaa uu sheegay in ay saameyn ku yeelatay ruqsad kala noqoshada Hay’adda socdaalka Hawada ay ku sameysay diyaaradaha qaar.

Kimathi Munjuri,ayaa ku doodaya in halkii diyaaradba hadda ay Qaadka ku keento Soomaaliya lacag dhan 1.5Milyan oo dhilinka Kenya ah taas oo uu ku sheegay in ay khasaare weyn ku tahay Ganacsatada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qaad badan uu ku qallalay Garoonka Diyaaradaha ee Joma Kenyatta kaddib markii diyaarad qaadda la waayay,halkaasna qorrax ku qallajisay.

Khasaare ayuu sheegay in uu Ganacsatada ka heysto Qaadka oo bilihii la soo dhaafay ciriiri badan oo dhinaca dowladda Kenya ah la kulmayay.