Xog: C/Weli Gaas oo ugu danbeyntii aqbalay amar uga yimid dowlada Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ka soo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada maamulka Puntland, waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia looga yeeray Hogaamiyaha maamulka C/weli Gaas.

Hogaamiye C/weli Gaas ayaa la filayaa in gudaha asbuucani uu aadi doono magaalada Addis Ababa kadib markii uu u yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Workneh Gebeyehu.

Ilo wareedka aan xogtaan ka helnay ayaa sheegaya in Hogaamiye Gaas uu muddo laba mara diiday inuu ka jawaab celiyo u yeeritaanka ay u yeertay dowlada Ethiopia, hase ahaatee iminka lagu qanciyay in uu halkaasi tago.

U yeeritaanka C/weli Gaas ee dowlada Ethiopia ayaa la xaqiijiyay  inuu yahay mid ku aadan arrimaha amniga iyo xiisada deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada maamulada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Sidoo kale, qancinta C/weli Gaas, ayaa kusoo beegmeysa iyadoo muddo laba maalin un ka hor Ergayga QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u gudbiyay in uu ku fashilmay xalinta xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Keating, waxa uu dalbaday faragalin dheeri ah oo ku aadan dhanka xiisada, kadib markii uu sheegay inay jiraan dhinacyo ka faa’iideysanaaya xiisada sii darsaneysa.

Dhinaca kale, C/weli Gaas ayaa la filayaa in uu dhawaan u duulo magaalada Addis Ababa,waxaana horay halkaasi u tegay Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com