Turkiga oo fariin hanjabaada u dirtay Mareykanka iyo xiisad ka dhex qaraxday labada dal

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Mr Bekir Bozdag ayaa sheegay in dowladiisa ay digniin culus u direyso dowlada Mareykanka iyo dowladaha kale ee taageera xagjiriinta YPG.

Mr Bekir Bozdag, ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay dhaqaale xoogan ku bixiso Xagjiriinta YPG, waxa uuna tilmaamay in Mareykanka ay u aqoonsan doonaan argagixiso la jir.

Mr Bekir Bozdag, waxa uu farta ku goday in digniintooda ay si toosa ugu socto dowlada Maraykanka oo ciidamadeeda ay wada shaqeyn kala dhexeyso xagjiriinta hubaysan Kurdida ee ka hawlgala waqooyiga Syria.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga, waxa uu intaa ku daray inay la socdaan tirada saxda ah ee ciidamada Mareykanka ka jooga magaalada Manbij oo qiyaastii 100km dhanka bari ka xigta Afrin, waxa uuna cadeeyay in ciidamadaasi ay yihiin  2,000 oo askari.

Nuqul kamid ah haddalka Mr Bekir Bozdag ayaa ahaa ‘’Cid waliba oo taageeraya ururka argagixisada ayaa noqon doona bartilmaameedka dagaalkan, Mareykanka wuxuu u baahan yahay inuu dib u gurto askartiisa iyo waliba taageerada argagixisada si looga hortago inuu khilaaf soo kala dhex galo labada dal’’.

Hadalka Bekir Bozdag ayaa ku soo aadaya ka dib markii Turkiga uu ku hanjabay in uu weerari doono magaalada Manbij iyada oo qayb ka ah howlgalka xudduudaha ee ka socda gobolka Afrin, oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Kurdiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com