Dagaal hub culus leysu adeegsanayo oo dib uga qarxay degaanka Tukaraq

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq.

Dagaalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa culus, waxa uuna ka danbeeyay kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaseeyen gaari dagaal oo ay leedahay Puntland.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dagaalkan, inkastoo Saraakiisha labada dhan aysan weli faah faahin badan ka bixin dagaalka oo hadda socda.

Ciidamada labada dhinac ayaa kala qabsaday  gaadiid dagaal, waxaana jiraan khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray.

Dagaalka ayaa khasaarihiisa ugu badan waxa uu soo gaaray ciidamada labada dhinac, waxa ayna dhaawacyada ku kala dabiibayaan goobaha caafimaad ee ku yaalla Gobolka.

Sidoo kale, dadka ku sugan gobolka Sool ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay gurmadyo kala duwan gaarayaan, iyada oo ay jirto in hub culus lala helay gaadiid Sahay iyo mid Shidaal oo labada maamul ay kala wataan, kuwaasi oo aagga uu dagaalka ka socda ku gubanaya.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha degaanka Tukaraq.

Docda kale, Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com