Dagaal ka dhacay duleedka MUQDISHO oo lagu dilay dad uu ku jiray qurbe-joog

Muqdisho (Caasimada Online) – Nin dhalinyaro ahaa oo dhawaan ka soo laabtay dalka South Africa ayaa ka mid noqday dad shalay gelinkii dambe lagu dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Faarax Indhafuud uu qayb ka ahaa dhinacyadii shalay galab ku wada dagaalamay Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dagaalka oo ay ku dhinteen illaa shan qof ayaa daba socdo dagaal maalin ka hor halkaasi ku dhex maray Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida ee NISA iyo Ciidamada Dowladda ee Deegaanka Lafoole.

Dagaalkan ayaa wuxuu salka ku haya gacan ku haynta Maamulka Ceelasha Biyaha, waxaana guuldareystay dadaalo lagu doonayay in labada dhinac lagu heshiisiiyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Faarax Indhafuud uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay dagaalkii labada dhinac ku dhex maray Ceelasha Biyaha.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu labada dhinac ku dhex maray Suuqa Ceelasha Biyaha.

Xiisadda ku soo korortay Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa dadka deegaanka qaarkood ku khasbay in ay guryahooda ka cararaan.

Dilka Faarax Indhafuud ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Arbacadii duleedka Magaalada Johannesburg ee dalka South Africa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Cabdijibaar Cabdullaahi Jimcaale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com