Somaliland oo 190 milyan oo dollar kusoo iibsatay qaad, lix bil gudahood

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa si rasmiya shaaca uga qaaday lacagta ay lixdii bilood ee u horeeyay sanadkan ay ku bixisay soo iibsashada Qaadka.

Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland oo ka qeyb galay kulan lagu lafo gurayey Caqabadaha hortaagan dhaqaalaha Somaliland iyo sidii looga bixi lahaa, oo ay soo qaban qaabiyeen Ardeyda jaamacaduhu, ayaa arrintaasi ka hadlay.

Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaasi ka hadlayey, ayaa waxa uu ka sheegay in lixdii bilood ee u horeeysay sanadkan ay Somaliland lacag dhan 190-Milyan oo doolar ay ku soo iibsatay Qaad.

“Lixdii bilood ee u horeeyay sannadkan waxaynu soo iibsanay 19 milyan oo kilo oo qaad ah, hadaad 10 dollar ku dhufato 190 milyan oo dollar weeye” ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire.

Wuxuuna intaas sii raaciyay Wasiirku “Mushkiladu xataa maha lacagta oo keliya ee waa wakhtigii, caafimaadkii, iyo dhaqankii, waana meelaha loo bahanyahy in wax laga qabto”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dhaqaalaha Somaliland ay kor u qaadi laheyd haddii ganacsadayaashu ay ku dhiiradaan sameysta Warshadaha, isagoona xusay in aqoon dari baahsan oo dhankaasin ay haysato ganacsatada Somaliland, wuxuuna yiri

“Meesha dadka inaga qarin kartaa waa wershadaha, maxaynu wershado u yeelan waynay, waxyaabaha u horeeyaa waa dhaqan, wershad dhaqan uma lihin, inagu waxaynu dhaqan u leenahay ganacsi, laakiin wershad lacagta la geliyo waxa ka soo baxaya maba garanayo ganacsaduhu oo wuxuu ku odhanayaa maxaa khatartaas i gelinayaba”.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa