Dagaal ka dhex-qarxay askar wadday meydka askari dil lagu fuliyey iyo maleeshiyo

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helaya is-rasaasaeyn xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa Amniga iyo maleeshiyaad hubeysan ku dhex-martay xaafada Kowda Luulyo ee degmada Cabudwaaq ee gobolka Galaduud.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen askar waday meydka askari ka tirsan ciidamada dowladda oo saaka loo qisaasay dilka Taliye ku-xigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug iyo Walaashiis.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaaseynta uu ka dhashay khasaaro kala duwan, ayna ku dhinteen laba ruux oo labada dhinac ah ka kala tirsan, halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa lagu soo waramaya in xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay weerarka ay ka taagan tahay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, islamarkaana dadka degaanka ay cabsi soo wajahday.

Toogashada Askariga ay ka dhalatay xiisadu ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayadoo ay goobjoog ahaayeen ehellada marxuumiinta, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Dhagadheere ayaa waxaa maalin kahor xukun dil toogasho ah ku ridday maxkamadda ciidamada, kadib markii ay saraakiil ka tirsan maxkamadda gaareen degmada Caabudwaaq, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana dilkaas lagu fuliyey isla maanta.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horey sidaan oo kale dilal ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay geysteen.

Degmada Caabudwaaq oo ka mid ah magaalooyinka hoostaga Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay qaarkood geystaan maleeshiyaad hubeysan.