Daawo: Jeneraal Xuud oo sheegay in waligiis uusan mucaaradeyn Xasan Sheekh hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xuud ayaa la weydiiyey waxa ka jira inuu mucaaradnimo ku bilaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo cadeeyey mowqifkiisa.

Xuud ayaa sheegay in warka ah inuu mucaarad ku yahay Xasan Sheekh uu been yahay, isagoo cadeeyey in hadda kadibna uusan mucaaradi doonin.

“Xasan Sheekh waa wiilkeyga, Abtigiis ayaan ahay, ma mucaaradi karo, mana laga yaabo inaan mucaarado, waa ku farxay in Xasan Sheekh uu ka shaqeynayo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah,” ayuu yiri Jeneraal.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay 40 sano wado qaldan ku socotay, “Muqdisho waxay lahaa jirtay qad-cagaaran, balse maanta xaalku waa is bedelay, Xalane ayaa naloo fadhiyaa oo qadkii cagaarnaa loo wareejiyey, marka madaxweynaha cusub waxaan leeyahay Soomaali xor ah ayaa lagaa rabaa,” ayuu yiri Xuud.

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday maamulka HirShabelle balse xilligii ay sii dhaceysay dowladda Farmaajo la keenay Muqdisho, islamarkaana qaatay nabad ayaa shalay ku dhowaaqay kacdoon cusub.

Jeneraal Xuud oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa ku sheegay in marnaba uu isbedelin mowqifkiisi hore ee kacdoonka, kaasi oo uga soo horjeeday madaxweyne Cali Guudlaawe.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in aan xoog lagu haysan karin Hiiraan, isla markaana ay maamul cusub u sameysanayaan, isaga oo xusay in uusan aqoonsaneyn maamulka HirShabelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe.

“Markaan Xamar nimid in aan ka hadalno arrin ceyrin ah, marwalba waxaa isku dayeynay in aan ka gun gaarno wax walba. Waxaa shirkaan jaraa’id u qabanay HirShabelle mowqifka ay taagan tahay iyo mowqifka aan taaganahay hadda nahay Kacdoonka Hiiraan ay aad u kala fog-yihiin, marnaba aysan isku imaan karin,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo