Taleex (Caasimada Online) Dagaal ayaa maalintii labaad wuxuu ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool, wuxuuna u dhexeeyaa ciidamo maleeshiyaad ka soo kala jeeda maamullada Puntland iyo Khaatumo.
Dagaalkii shaley waxaa ku dhintau in ka badan 10 oo u badan dhinacyadii dagaalamayay tira intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.
Dagaalka shaley ayaa wuxuu dhacay gallinkii dambe, waxaana labada dhinac ay adeegsadeen hub, iyadoo la sheegayo dagaalka in uu sababay barakac xoog leh, isl amarkaana ay ku burburtay hanti badan.
Labada dhinac ee ku dagaamaya degmada Taleex ayaa isku eedeeyay dagaalka in ay mas’uul ka yihiin.
Degmada ayaa la sheegay in maalamahan waxaa ka socday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo is diiddan, oo lagu kala taageerayay labada maamul, waxaana halkaas joogay madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire,sidoo kale waxaa tagay madaxweynaha maamulka Khaatumo Maxamed Yusuf Jaamac Indhasheel.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Taleex