Dagaal laba shirkadood ku dhex maray Boosaaso iyo xogta waxay isku hayaan

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay dagaal la isu adeegsaday hubka fudud uu ku dhex maray labo shirkadood oo isku haaya adeeg bixinta korontada magaalada.

Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay dagaalkaasi dhex maray maleeshiyo kala taabacsan shirkaddaha Golis iyo Eneeye.

Dagaalkan ayaa salka ku haaya loolanka adeeg bixinta korontada, waxayna taasi sababtay in labadda dhinac rasaas isu adeegsadaan.

Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay saar ka mid ah maleeshiyadii dagaalka ku dhex maray bartamaha magaalada Boosaaso. Mana jirto ilaa hadda war kasoo baxay labada dhinac.

Shirkadaha Golis iyo Eneeye ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhex aloosnaa muran la xiriira bixinta adeegga korontada ee magaalada,waxaana murankaasi isu’ rogay gacan ka hadal khasaare dhaliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
caasimada@live.com