Dagaal laga cabsi qabo in uu ka dhex qarxo Galmudug iyo P/LAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balibusle ee Gobalka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay isku horfadhiyaan ciidamo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada isku horfadhiya deegaanka Balibusle ee Gobalka Mudug, ayaa wata hubka noocyadooda kala duwan waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda ay halkaasi isku farasaaran.

Ciidamadaani kala taabacsan labada maamul ayaa isku horfadhiya duleedka Balibusle, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi uu iminka ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo aad u xoog badan.

Labada maamul ayaa ciidamo aad u farabadan geeyay deegaanka lagu magacaabo Ceel la helay oo aan sidaa uga sii fogeyn dhanka deegaanka Balibusle.

Xiisada dagaal ee halkaasi ka taagan ayaa waxaa bilaabay ciidamada maamulka Galmudug, waxaana la sheegayaa in Galmudug ay ku dhiiratay in ciidamo ay geyso duleedka Ceel la helay, sidaana ay Puntland u jawaabtay.

Dadka qaar ee deegaanka ku ah Ceel la helay oo dhinaca Koonfureed uga beegan deegaanka Balibusle, ayaa bilaabay in halkaasi ay isaga barakacaan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo kala baxay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com