Xog: Codbixin ceebeysay Xasan oo laga qaaday dadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Codbixin ay qabatay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa muujisay sida shacabka Soomaaliyeed ay u naceen madaxweynaha waqtiga kasii dhammaanayo ee dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Codbixintan ayaa shacabka lagu weydiiyey cidda ay taageeri lahaayeen haddii ay tartamaan Xasan Sheekh iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ah madaxa hay’adda CRD, ahna nin ku beel ah Xasan Sheekh.

75% shacabka Muqdisho waxay doorteen Jabriil, halka kaliya 20% ay doorteen Xasan Sheekh, ayada oo 5% aysan labadaba dooran.

Inkasta oo 75% dadka doortay Jabriil ay sheegeen in haddii dhowr qof oo kale codbixinta lagu dari lahaa laga yaabo inay dad kale doortaan, haddana waxay isku wada mid ka noqdaan naceybka ay u qabaan Xasan Sheekh.

“Waa wax aad loola yaabo in Xasan Sheekh uu helay kaliya 20% taageero ah, marnaba taas ma fileyn, inkasta oo aan ogaa inaan la jecleyn. Waxay ila tahay inuusan dib isku soo sharxin haddii xaalkiisu sidaas marayo” Waxaa sidaas yiri Prof. Xuseen Cabdi Xaamud, oo ah aqoonyahan degan Muqdisho.

Xasan Sheekh, waa siyaasiga loogu neceb yahay Muqdisho, sida ay muujisay codbxinta, waxaana dadka badankood ay sabab uga dhigeen taas hoggaan xumo, musuq maasuq baahay iyo liiditaanka dadka uu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com