Xildhibaan shaaciyay sirta & cida lagu naasnuujinayo aqalka sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in doorashada aqalka sare ee sanadkaan loogu daneynayo dad gaar ah, sida uu sheegay xildhibaanka.

Xildhibaan Afaraale wuxuu sheegay in mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed loogu daneynayo doorashada aqalka sare ee sanadkaan, wuxuuna sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin Soomaalida kale.

“Doorashda Aqalka Sare waxaad moodaa in reer loogu daneynaayo oo wax loogu dheefinaayo Soomaaliyana aysan dan u ahayn ayna qaadi karin. Waxaase nasiib darro ah wixii madashii ugu horreysay lagu soo heshiiyay iyadoo ay san dan u ahayn ummadda Soomaaliyeed la yiri qoor qabad iskaga qaata in hadana mar labaad la sii laalo”

“Dadkii markii horeba keenay hadana sad bursi kale loo sii sameeyo Soomaalina laga fadilo, taas ayaa nasiib darro ah. Waxaan ku talin lahaa dadka ha la tiryo oo haddii ay Soomaali ka dad bataan sida hadda loogu sad burinayo ha loogu sad buriyo. Sida hadda wax lagu wado waa si ay Soomaaliya ku kala fogaaneyso, waxayna keenaysaa caaqibo xun”.

Dhinaca kale xildhibaanka wuxuu soo hadal qaaday xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada waqooyiga Soomaaliya, kuwaasi oo dhaliilay nidaamka ay ku hishiiyeen madaxda madasha wadatashiga qaran.

“Waxay saluugsanaayeen markii la qeybinaayay Aqalka sare Puntland waxaa la siiyay 11 xubnood, Somalilandna 11 xubnood, wixii markii hore lagu heshiiyay ayaa dib loogu laabtay oo 11-koodii ayaa dad laga soo gooyay oo Puntland loogu daray”

“Taana waa khalad, waxa hadda la sameynayo waxay ahayd in mar hore laga fiirsado, mar haddii uu go’aan soo baxay oo la isku waafaqay in sidiisa ku dhaqan galo weeyaan, ama ha khaldanaado ama ha saxnaado, laakiin haddii gadaal loogu noqdo waxba yaaney meesha kasoo bixin ayaa loo jeedaa weeyaan”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com