Fargeeti oo lagu helay cadeymo muujinaya musuq-maasuq culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhowr jeer oo sii horeysay ay shabakada Caalamiga ah ee Caasimada Online qortay in warbixino muujineysa in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Adan Ibraahim ( Fargeeti) ku kacay musuq-maasuq baahsan oo ka dhan ah Hantida Qaranka ayaa waxaa iminka soo baxaaya Dukumiintiyo dheeri ah oo ay baahisay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho.

Fargeeti, ayaa mudooyinkanai danbe u bareeraayay lunsashada Hantida Qaran ee lagu aaminay taasi oo lagu gacanbidixeeyay miisaaniyadda kasoo xaroota Gobolka Banaadir, gaar ahaan Canshuuraha dowladdu qaado.

Fargeeti ayaa lunsashada Canshuuraha dowladdu qaado u maray sharciyo hore oo ay dajisay dowladii dhexe ee Somalia, sharcigaasi uu iminka noqday mid isaga un u gaar ah.

Sharciyada loo cuskaday lunsashada Hantidaasi ayaa waxaa qeyb ka ah heshiis ay horay Wasaaraddu ula Saxiixatay Shirkado Ajnabi ah, sida ay baahisay Idaacadda SMN ee ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Sanadihii u dhexeeyay 2014-2015 ayaa waxaa miisaaniyad ahaan dowlada Somalia uga soo xarootay Canshuuraha laga qaado Gobolka Banaadir lacag dhan 10 Million oo dollar, xilligaas oo Canshuuraha lagu shubayay Bank-ga dhexe, sida lagu qeexay Dukumiintiyada ay baahisay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho.

Fargeeti ayaa lacagahaani Canshuurta ah ku qeexay sharcigii barisamaadkii u degsanaa dowladii marxuum Maxamed Siyaad Barre, taa oo xalaaleyneysa awoodo gaar ah oo lagu qaadi karo Canshuurta.

Fargeeti waxa uu lunsashadaani mudada uu xilka hayo la kaashanaayay xubnaha ugu sareeya Bangiga Dhexe ee dalka oo amar ahaan ku shaqeeya soo jeedintiisa.

Idaacada SMN oo daliilsaneysa sharciyada uu Wasiir Fargeeti u cuskaday lunsashada sharcigii hore ayaa qortay ”Sida ku cad sharci Lambar 2 soo baxay Taariikh Janaayo 7/1984 qodobka 6aad farqadiisa 3aad Wasiirka Maaliyadda wuxuu ruqseyn karaa Canshuuraha lacag ahaan loo qabto , laguna qabto Xafiisyo kala duwan isagoo mar weliba dajinayo Nidaam sugaayo soo xaroodka Canshuuraha ( Dakhliga)” waxa ayna qodobadaani saamaxayaan in Wasiirka uu marin habaabiyo sharciga dalka.

Fargeeti oo ay isku biirsadeen qodobadaasi isaga uu ku lunsado Hantiga kasoo xaroota Gobolka Banaadir ayaa waxa uu nusqaan gaabisa ah ku sameeyay Hantiga kasoo xoroota Gobolka, waxa ayna taasi hoos u dhigtay dhaqaalaha iyadoo ay iminka dhacdo in dhaqaalaha usoo xarooda ay gaarto lacag lagu qiyaasay 6 Million dollar ah bishii, sababo la xiriira sharciga dalka oo aan wali ka hirgalin dalka.

Dhaqaalaha dhan 6 Million dollar ee siyaabaha kala duwan uga soo xaroota Gobolka ayaa si toos ah meel ugu dhacda Wasiir Fargeeti, sida ku cad qodobada uu u kaashanaayo sharciga Qaran jabiska ah oo ay meelmarisay dowladii dhexe ee Somalia.

Fargeeti ayaa sidoo kale dhaqaalaha ugu badan ka hela canshuuraha ay bixiyaan shirkadaha Ajaanibta ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho sida shirkada Smart, waxa ayna taasi ku dhacdaa akoonka Wasiirka iyadoo aysan jirin cid gaar ah oo la wadaagta.

Macaash wadaaga ka dhexeeyo Wasiir Fargeeti iyo Shirkadaas Ajnabiga ah ee Smart, ayaa iminka gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo la marin habaabinaaya waxa uu qabo sharciga dalka.

Geesta kale, kiiska la xiriira lunsashada Hantida Qaran ayaa waxaa kaabaya dhaqaalaha mushaariga ah oo ay Wasaaradu lunsato taasi oo saameynta ugu badan ku yeelatay shaqooyinka dowlada sida gaabiska ku imaaday shaqaalaha guud ee dowlada, gaar ahaan ciidamada oo aan qaadin xuquuqdii ay lahaayen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com