Xasan Sheekh oo sabab yaab leh u iibsaday xildhibaan ka tirsan BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ahaa Xildhibaanada kasoo horjeeda Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa iminka u muuqda mid garab boodaaya Xassan oo wakhtiga uu kasii idlaanaayo.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aad kaga soo horjeedo hadalada ay baahinayaan Siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh 10-ka Septmeber 2016 uu ka dago kursiga Madaxtinimo.

Jeesow waxa uu sheegay in markii la eego sharciga dalka uu yahay mid xiligaani soconaaya go’aankii kasoo baxay guddiga Doorashooyinka ee xadidaaya wakhtiga uu Xassan Sheekh ka degaayo xilka wixii intaa kasoo harayna ay yihiin aragti ka madaxbanaan xaqiiqda jirta.

Jeesow oo aan looga baran taageerida Xassan Sheekh ayaa iminka sheegay in sharciga saxda ah uu yahay kan Guddiga Doorashooyinka ee muujinaaya in Madaxweynaha uu xilka sii heyn doono ilaa ay ka dhamaaneyso mudada dheeriga ah oo ay soo bandhigeen Guddiga.

Waxa uu sheegay in wixii dheeri ah ay Madaxdu uga doodi doonaan kulanka dhawaan mar kale ay ku yeelan doonaan Hogaamiyayaasha magaalada Muqdisho, kaasi oo sidoo kale leysku weydaarsan doono wixii ka qabsoomay arrimaha Doorashooyinka, sida uu hadalka u dhigay.

Jeesow ayaa aad u dhaliilay hadalada lidka ku ah dowlada Somalia oo ay baahinayaan Axsaabta dalka kuwaasi oo uu sheegay inay yihiin kuwo ka dheereeyay xaqiiqda dalka ka jirta.

Haddalka Jeesow ayaa calaamadu u noqonaaya in Madaxweyne Xassan uu afka qabtay Xildhibaanada ugu dhaliisha badan ee ka tirsan Baarlamaanka iminka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com