Haween ku dhegan madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya qeyla dhaanta kasoo yeereysa Haweenka Soomaaliyeed oo iyagu ku qeylinaaya in dowlada Somalia ay xaqireyso kaalintii ay ku lahaayen Siyaasada dalka.

Haweenka ayaa ku doodaaya in dowlada Somalia, gaar ahaan tan uu iminka hogaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh ay ku digatay xuquuqdii dumarka, iyaga oo tusaala usoo qaadanaaya madadaalinta Xassan Sheekh ee ku aadan in Haweenka ay yeelan doonaan qoondo iyaga u gaar ah, balse aan muuqan ballanqaadkaasi.

Haweenka qaar ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu si cad u duudsanaayo xuquuqdooda, waxa ayna carab dhabeen in doondadooda uu ku maareeyay dhinacyada kale ee ka tirsan Siyaasada dalka.
Waxa ay sheegen in shuruuda keliya ay kula shaqeynkaraan dowlada ay tahay in lasiiyo cadad u gaar ah oo ay ku qanci karaan.

Sahra Cali Samatar oo ah Wasiirka Wasaarada Haweenka, ayaa sheegtay in horumarka dalka uu ku jiro in dowlada Somalia ay cadeyso qoondada dumarka, waa haddii la doonaayo Somalia oo u jiheysatay dhanka Horumarka.

Sahra Cali Samatar, oo ku hadleysa afka dumarka ayaa sheegtay in qiimeynta dumarka Soomaaliyeed ay horseedi karto isku duubnida Soomaalida waxa ayn carab dhabtay inaanu muuqan kaalin sax ah oo lasiiyay Haweenka.

“Hadii Haweenka 30% la siiyo isbedel ayay la imaan doonaan, haddii ay waayan waxaa suuragal ah in xaalada dalka aysan waxba iska bedelin maadaama haweenku ay horseed u yihiin dalka”

Waxa ay ka digtay in la fududeysto kaalinta haweenka waxa ayna Madaxda Qaranka ku boorisay in fiiro gaar ah loo yeesho haweenka dalka oo sanado dhowr ah aan la muujin kaalintooda.

Qeyla dhaanta dumarka ayaa imaaneysa xili Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh uu dhowr jeer ku celcelshay in dumarka ay siin doonaan qoondo ay ku qancikaraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com