Xasan Sheekh oo qiray arrimaha uu ku guuldareystay (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay waxqabadka dowladiisa, ayaa wuxuu sheegay in sidii la doonayay aysan waxba u qaban muddada uu xilka hayay.

Madaxweynaha wuxuu qiray in waxqabadka ay sameeyeen 100% uu yahay mid wanaagsan, laakiin wuxuu sheegay in wax uun ay sameeyeen oo ay ka dhow yihiin halkii shalay la joogay, sida uu hadalka u dhigay.

Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu sidoo kale sheegay in waxyaabaha lagu guul dareystay ay tahay in sidii la rabay aysan wax u qaban haddii ay yihiin Xukuumada iyo dowladiisaba.

“Marnaba kuma doodeyno wax fiican ayaan qabanay, 100% waxa aan qabanay ma ahan sidii la rabay, balse maanta halkii shalay aan joognay waan ka dhow nahay, maanta dalka horumar yar ayaa ka jira, berina meel ka wanaagsan ayaan rajeyneynaa”ayuu yiri Xasan Sheikh.

Xisbiyada kala duwan iyo dadka siyaasiyiin ayaa marar badan ku eedeeyay dowlada Xasan Sheikh Maxamuud ineysan wax la taaban karo aysan ka qaban xaalada dalka Soomaaliya, laakiin haatan isaga ayaa qiray in wax wada wanaagsan aysan qaban isaga iyo xukuumadaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com