Farmaajo oo digniin kasoo saaray doorashada, ID Kaar-yada iyo….

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay markii ugu horeysay kaararka aqoonsiga ee dhawaan lagu soo rogay shacabka ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney kaararka aqoonsiga si lacag la’aan ah ugu sameyso halkii dhaqaalo laga qaadi lahaa, maadaama ay Soomaali yihiin.

Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay shacabka Soomaaliyeed aysan awoodin iney iibsadaan kaararka aqoonsiga, ayna jiraan dad barakacayaal oo mararka qaar aysan awoodin iney nolol maalmeedkooda heelaan.

“Kaararka aqoonsiga wax sahlan ma ahan waxay u baahan tahay in Baarlamaanka la geeyo la ansixiyo, horay waxaan u ogeyn in Baarlamaanka uu joojiyay arrintaas, dad aan awoodin ayaa jira oo lacagaha bixin karin, dowladda hada waqtigeeda dhamaanaya waa in dadka ay si bilaasha h ugu sameeyaan”ayuu yiri  Farmaajo.

Dhinaca kale Farmaajo ayaa digniin kasoo saaray in dhaqaalaha dadweynaha aan loo adeegsaday doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hantida qaran ay tahay mid lama taabraan ah.

“Waxaa ugu baaqayaa Madaxda dowladda in aanay hantida shacabka ka dhaxeysa aanay doorasho lagu gelin, waxaa codsanayaa in mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida la siiyo, waxaa ognahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha labaduba yihiin musharax”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com